Taariikhda degmada Luuq oo kooban


Luuq waa magaalo ku taalo Gobolka Gedo. Magaaladaan waxee ka midtahay magaalooyinka ugu duqsan dalka Soomaaliya. Magaaladaan waxaa dhaxmaro wabiga weyn ee loo yaqaan Wabiga Jubba.Magaalada waxaa ku xeeran tuulooyin aad u badan,dhaqaalaha magaalada waxaa uu ku tiirsan yahay beeraha iyo xoolaha nool,iyadoo Luuq ay ku taal buundada ugu weyn dalka Soomaaliya. Magaalada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa illaa 35000 kun oo qof waxaana yimaada dad badan oo ka yimaada tuulooyinka kala ah,Yurkud,Farsaarey,Caracase,Shaatilow,Halbo,Haanoy,Maganeey iyo waliba Degmada Bohol Garas Waxaa degan qabaail badan oo somliyed iyadoo taariikhda magaaladu u badan tahay mid THEORY ah oo aan la hayn meel ay ku qoran tahay,sidoo kale waqtiyadii la degay magaalada ayaa inta badan qiyaas un ah. Waxaa degan magaalada qabaailka xasan gaashireedle ee mareexaan iyo waxyar oo raxanweyn ah sida la ogyahay luuq qabiilka ugu badan ee dago waa reexasan taariikhdan oo ah mid sugan oo qof waliba oo soomaali ah uu ogyahay